7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2023
Shirkii urur goboleedka IGAD ee Jabuuti oo qodobo lagasoo saaray

Talaado, Juun 13, 2023 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa guddoomiye u doortay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sida lagu sheegay nuxurkii kasoo baxay shirkoodii uga socday dalka Jabuuti.

Dalka Suudaan oo horay u guddoominayay shir madaxeedka IGAD ayaa Jabuuti ku wareejiyay.

Dhanka kale, IGAD ayaa mar labaad u dooratay xoghayaha guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, si uu afarta sano ee soo socota usii ahaado  Xoghayaha guud ee IGAD.

Sidoo kale, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD, ayaa lagu heshiiyay inuu ka yimaada  Soomaaliya, ayna soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabooyinkan ayaa waxay qeyb ka yihiin  dib u habeyn lagu sameynayo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah IGAD.

Sida ay sheegtay Dowladda federalka, madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha dowladdu ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxay kaloo soo jeediyeen in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taasoo la sheegay inay caqabad ku tahay dagaalka Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go'aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.