7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2023
Raysal Wasaare Xamse oo Maanta Muqdisho ka daah furay mashruuc muhiim ah
 

Talaado, Juun 13, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta Daah furay Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga.

Raysal Wasaaraha Xamse ayaa dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay ogolaatay Boqortooyada dalka Sacuudiga ku tilmaamay tallaabo guul ah, waxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool.

"Dowladda Soomaaliya xoogga ayay saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha iyo  khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Raysal wasaare Xamse fursadaha suuqa ganacsiga Bariga Afrika oo ay dhawaan ku biirtay Soomaaliya oo uu sheegay iney ganacsatada Soomaaliyeed u tahay fursad muhiim ah, islamarkaana loo baahan yahay in ganacsatada ay ka faa'iideystaan, maadama ay leeyihiin xuquuq la mid ah kuwa dalalka kale ee ku mideysan Dallada ganacsiga Bariga Afrika.

Gabagabadii Raysal wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisa ay dadaal galisay in dowladda Sacuudiga ay u oggolaato suuqyada dalkeeda in loo dhoofiyo hilibka xoolaha Soomaaliyeed, kadib markii ay ku qanceen Caafimaadka iyo tayada Hilibka Xoolaha dalka.