7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2023
Puntland oo xukun xabsi dheer ku ridday dhallinyaro tacaddi ugeysatay qoys danyar ah

Talaado, Juun 13, 2023 (HOL) - Maxkamada Magaalada Bosaso ee gobolka Bari ee Puntland ayaa xukuntay shan dhallinyaro ah oo lagu helay in qoys danyar ah oo ku nool Magaalada Boosaaso ay dhawaan kula kaceen fal tacadi ah.

Dhallinayaradan ayaa lagu riday xukunno u dhaxeeya shan sano illaa iyo lix shan sano oo xabsi ah iyo sidoo kale min afar kun oo Dollar.

Laamaha amniga Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay dhallinyaradan, kuwaas tacaddi fool xun u geystay qoys danyar ah oo kamid qoysaska la hayb sooco ee ku nool magaalada Bosaso.

Dhallinyaradan ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal ay ka duubeen qoysaskan xilli habeen ah iyagoo gurigooda hurda, waxayna u geysteen jirdil iyo handadad kale oo dil ah.

Sababta falkaan keentay ayuu booliisku sheegay inuu salka ku hayo dad isku aflagaadeeyay barta Tiktok, taasoo dhalisay in loo dhibaateeyo qoyskan.

Dadweynaha ayaa si aad ah uga carooday falkaan, iyagoo ku tilmaamay xad gudub weyn oo ka dhan ah biniaadinimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.