7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2023
Dowladda Soomaaliya oo abaal marin lacageed guddoonsiisay muwaadin sheegay qarax mooto bajaaj lagu siday

Talaado, Juun 13, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa muwaadin Soomaaliyeed oo hay'adaha amniga usoo gudbiyay mooto Bajaaj sidday qarax, guddoonsiiyey lacag dhan 20kun oo dollar.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu garab taagnaa agaasimaha nabad sugidda ee NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid wadashaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada ku qabaan hay’adaha ammaanka.

Raysal wasaare Xamse ayaa ku ammaanay muwaadinka soo gudbiyay xogtan, dhiiranaanta iyo waddaniyadda uu muujiyey si uu hay'adaha amaanka ula wadaago mootada qarax sidday oo raysal wasaaruhu uu sheegay in Shabaabku doonayeen inay dadka shacab ah ku laayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii hore haweeney lagu magacaabo Maamo Farxiya ku abaalmarisay 10 kun oo dollar, kaddib markii rag hubeysan oo al Shabab ka tirsan ay u diiday in ay gurigeeda ay gabaad ka dhigtaan si ay u weeraraan ciidanka dowladda.

Maamo Farxiya iyo raggii hubeysnaa ayaa dagaal ku dhex maray gurigeeda oo ku yaalla degmada Kaxda ee magaalada Mogadishu.

Dowladdu waxay tallaabadani u aragtaa inay shacabku ku dhiirinayaan inay soo sheegaan haddii ay arkaan qarax.