7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2023
In ka badan 130 qof oo ay ku jiraan Soomaali ah oo laga soo daadgureeyay Liibiya oo la geeyay Rwanda

Talaado, Juun 13, 2023 (HOL) - Dowladda Rwanda ayaa qaabishay 134 qaxooti & magangalyo doon ah kuwaas oo lagasoo daad gureeyay dalka Liibiya.

Dadkan oo la geeyay magaalada Kigali ayaa waxay kala yihiin 64 Eritrea, 35 Sudan, 15 Soomaali ah, 17 Ethiopian ah, 2 Cameroon & 1 Mali.

Qaxootigan ayaa la dejindoonaa Xarunta Gaadiidka Gashora, halkaas oo dadkii kale ee la soo daadgureeyay ay ku sugan yihiin.

Dowladda Rwanda, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), iyo Midowga Afrika ayaa ka shaqeeyay in la sameeyo goob kumeel gaar ah oo loogu talo galay qaxootiga lagasoo celiyo waddamada kale.

Tan iyo 2019, Rwanda waxay martigelisay in ka badan 1,600 magangalyo doon ah. Muddadaas, UNHCR waxay ka shaqaynaysay sidii ay xal ugu heli lahayd dadkan.

Xalalkaas waxaa ka mid ah in dib loogu celinayo waddamadoodii, ama suurtagalnimada in ay ku sii nagaadaan Rwanda.

Warbixin ay siisay The New Times bishii Abriil, afhayeenka UNHCR ee Rwanda, Lilly Carlisle, ayaa muujisay rabitaanka hay'adda ee ah in la kordhiyo heshiiska daad guraynta qaxootiga iyo magangalyo doonka la geynayo Ruwanda.