7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 13, 2023
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gudaha magaalada Baraawe

Talaado, Juun 13, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saakay ay degan tahay xaalada magaaladaas, kadib dagaal Culus oo Shalay galinkii dambe ilaa Xalay fiidkii soo gaaray oo ku dhex halkaas ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka saacadaha badan qaatay ee ku dhexmaray gudaha magaalada Baraawe Militariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka bilaawday dil ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay u geysteen asakari ka tirsana Militariga Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Suusac.

Inta la xaqiijiyay dagaalka culus ee ka dhacay gudaha magaalada Baraawe waxaa ku dhintay ilaa 10 ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay khasaariha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shaabeelaada Hoose.

Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre ayaa sidoo kale sheegay iney ku guuleesteen in xabad joojin ay kala dhex dhigaan ciidamada labada dhinac ah ee dirirtu dhexmartay, islamarkaana ay baarayaan waxaa sababay dagaalka.