7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2023
Somaliland oo xukun ku riday nin la sheegay in lagu helay danbi argagixisonimo

Axad, Juun 11, 2023 (HOL) - Maxkamada Darajada 1aad Somaliland ayaa xukun 9 sanno oo xadhig ah ku riday nin lagu helay in uu ka tirsanyahay ururka Al Shabaab.

Qoraal lagu daabacay bogga Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay in Faysal Cali Ibraahin oo Al Shabaab ka tirsanaa lagu riday xukun xabsi ciidan ah.

"Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamadda JSL ee goboladda galbeedku waxay xukun 9 sanno oo xabsi milateri ah ku riday danbiile Faysal Cali Ibraahin Ina Aamina aadan oo 42 jir ah oo Al Shabaab ka tirsn" ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.

Shakhsigan ayay wasaaradu sheegtay in lagu helay in uu ciidan kooxda uga qorayay guddaha Somaliland, sidaas darteedna xabsiga loo dhigay.

Booliiska Somaliland aya dhawaan sheegay in ay qabteen xubno ay sheegeen in looga shakiyay Al Shabaabnimo, lakiin qoraalka laguma sheegin ninka la xukumay in uu kamid ahaa kooxdaa iyo in kale.