7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya qarax lagu dilay sarkaal ka tirsan NISA oo ka dhacay Shabeellaha Hoose
 

Axad, Juun, 11, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Xalay ka dhacay bartamaha magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidanka hay'adda Nabadsugida.

Qaraxa lagu dilay sarkaalka ayaa ahaa mid loogu xiray gaarigiisa, waxaana jugta qaraxa laga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Marka Cadeey ee ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Sarkaalka lagu dilay qaraxa loogu xiray gaarigiisa ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Cismaan Cali Biitooni oo loo yaqiinay Taliye Kush gale, kaasoo la sheegay inuu la dhashay gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cismaan Cali Yariisoow.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in qaraxa Sarkaalka uu ku dhintay iney ku dhaawacmeen sadax ka mid ah askarta ilaalada u aheyd sarkaalka dhintay.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka magaalada Marka oo ku aadan qaraxa lagu dilay sarkaalkaan ka tirsanaa ciidanka NISA, kaasoo ahaa shaqsi si weyn looga yaqiinay magaalada Marka Cadeey iyo nawaaxigeeda.