7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2023
UNICEF oo ka hadashay qarax Caruur badan ku dhinteen oo ka dhacay Shabeellaha Hoose
 

Axad, Juun, 11, 2023 (HOL) - Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Hooyada iyo dhalaanka ee UNICEF ayaa Warsaxafadeed kasoo saartay qarax Jimcihii lasoo dhaafay ku dhinteen Caruur badan oo ka dhacay tuulada Muraale oo hoostagta degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hay'adda UNICEF ayaa warsaxafdeedka kasoo baxay ku sheegtay iney si weyn uga naxday Caruurta ka badan labaatameeyada ee ku geeriyooday walxa qarxa oo ay ku ciyaarayeen.

Qoraalka kasoo baxay UNICEF ayaa tacsi loogu diray ehelada Caruurta ku geeriyootay walxa qarxa oo afar ka mid ah ahayeen Walaalo.

“Dhacdadan naxdinta leh ayaa hoosta ka xariiqeysa muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada isku haya Soomaaliya ay si taxaddar leh u maareeyaan walxaha qarxa, la nadiifiyo haraaga miinooyinka iyo walxaha aan wali qarxin, iyo in la kordhiyo wacyigelinta ubadka iyo bulshada ee khataraha ku gedaaman miinooyinka. Ma ahan in qoysna uu ilmihiisa ku waayo xaaladdan murugada leh” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay hay'adda UNICEF.

Waxay sheegtay hay'adda UNICEF in saaxiibadeeda maxalliga ah kala shaqeyneyso in gargaar loo fidiyo shaqsiyaadka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay.

Guddoomiyaha degmada Janaale Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi Nuur ayaa dhankiisa xaqiijiyay in qaraxa ka dhacay Tuulada Muraale iney ku geeriyoodeen 27 qof oo caruur u badan.

“Tuulada Muraale ee hoostagta degmada Jannaale waxaa qarax ka dhacay deegaankaasi uu dilay 27 qof” ayuu yiri Guddoomiyaha Jannaale Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi Nuur.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa sidoo kale xusay in walxa ku qarxay caruurta ay yihiin kuwa u muuqda in loo adeegsaday weerarada ka dhanka ah Al-shabaab oo aanan horay u qarixin.