7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2023
Faysal Cali Waraabe: Cabdirisaaq Khaliif maalintii uu yidhi waxaan la talo ahay 33 ka ayuu inaga tagay

Axd, Juun 11, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Goddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed uu beri hore Somaliland ka tagay.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in anay ahayn in arrinta Khaliif lagu murmo, isaga oo xusay in uu Somaliland ka tagay maalintii uu taageeray guddida 33-ka.

"Cabdirisaaq Khaliif maalintii uu yidhi anigu waxaan la talo ahay 33 ka go'aan koodii, ee uu yidhi xasuuq ayaa Laascaanood ka dhacay, maalintaas ayuu inaga tagay ... in maanta lagu murmaba may ahayn" ayuu yidhi Faysal.

Dhinaca kale waxa uu cambaareeyay nidaamka loo maray dacwada Khaliif isaga oo sheegay in ay muujinayso in maxkamadii sare iyo xukuumadii oo isku milmay, oo awood cid kale leedahay isticmaalaya.

Dacwad uu xeer ilaaliyaha guud Somaliland ka gudbiyay Guddoomiye Khaliif ayaa muran ka abuurtay masraxyada sharciga iyo siyaasada Somliland iyadoo dadka qaar ay ku doodayaan in golayaasha sharci dejinta oo kali ahi arrintiisa ka hadli karaan.

Hadaba, marka laga yimaado dacwada laga gudbiyay guddoomiyaha sidookale xubnaha golaha wakiilada ayaa ka tashanaya wixii laga yeeli lahaa, waxaana jira warar sheegaya in uu iscasilayo inkasta oo aan la hubin.

Guddoomiye Khaliif ayaa kadib markii uu bilowday dagaalka Laascaanood tagay Laascaanood, isla markaana waxa uu markii danbe sheegay in uu la fikir yahay garaadada, isaga oo Somaliland ku eedeeyay in ay gaysatay tacadiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah.