7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2023
Howlgal lagu dilay 19 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo ka socda gobolka Shabeellaha Hoose
 

Axad, Juun, 11, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo saaxiibada Caalamiga ah ay Maanta howlgalo wadajir ah ka wadaan deegaano hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaas.

Howlgalka oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan Shabaab ayaa lasoo sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka taageeri hayaan dhanka duqeymaha diyaaradaha dowladda Mareykanka.

“Howlgal ay sida wadajir ah u samaynayaan Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa hadda ka socda Tuulada Buula Maxamed Cabdalla oo hoos tagta degmada Aw-dheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose, inta la ogyahay 19 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkan,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta qaranka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda fedaraalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale sheegeen in howlgalka uu yahay wali mid ka socda deegaanada hoostaga degmada Awdheegle.

Saraakiisha ciidanka dowladda waxay sidoo kale sheegeen in howlgalka ay ku burburiyeen fariisimo iyo gabaadyo kooxda Shabaab ku lahayeen deegaanada howlgalka laga sameeyay, islamarkaana ay kusoo furteen hub iyo gaadiid ay lahayeen Ururka Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka ay howlgalkooda sida wadajirka ah uga wadaan Tuulada Buula Maxamed Cabdalla oo hoos tagta degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkaan.