7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2023
Ciidamada Uganda: Shabaabkii nagusoo weeraray Buulo Mareer waxaan u qaadannay inay ahaayeen beeraley
 

Axad, Juun, 11, 2023 (HOL) - Qaar kamid ah askartii Uganda ee ka badbaaday weerarkii Buulo Mareer ayaa sheegay in Shabaabkii dhawaan soo weeraray ay ku qaldeen inay ahaayeen beeralay.

Sarkaal katirsan dowladda Uganda ayaa sheegay in weerarka ka hor ay beeraleydu xilliyada habeenkii ah meel ku dhow saldhiga ciidamada Uganda, ka wadeen waraabinta dalagyada beerahooda.

“Beeralayda waxay waraabinayeen dalagyadooda iyagoo isticmaalaya cagafyo iyo dameero habeenkii oo dhan. Arrintan ayaa keentay in ciidamadeenu ay dib u dhigaan falcelintooda iyagoo u malaynayay iftiinka beeraha kasoo baxayay in ay ahaayeen shaqada beeralayda,” ayaa lagu yidhi bayaan uu soo saaray ku xigeenka afhayeenka cidamada militariga Uganda.

Sarkaalka ciidamada Uganda ayaa sheegay in qaladka ugu weyn ciidamadooda ay sameeyeen uu ahaa sababta ay isugu diyaarin waayeen dagaal markii ay heleen xogta weerarka Al-Shabaab.

Sarreeye Guuto Felix Kulayigye ayaa mar sii horreysay sheegay, in ay hayeen xog sir ah oo ku saabsan weerarrada Al-Shabaab.

Askarta ka badbaaday weerarka ayaa iyaguna sheegay in sirta weerarka la heli karay, balse ay ku jahawareereen dhaq-dhaqaaqa beeraleyda.

Uganda ayaa lumisay taliyihii ugu sareeyay xerada Buulo Mareer,  Lt Col Edward Nyororo, kaasoo Al-Shabaab ay sheegeen in ay toogteen, halka warar kale ay sheegayaan in uu is toogtay kadib markii ay hareereeyeen ciidamada Alshabaab.