7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2023
Manchester City oo markii ugu horeysay ku guuleysatay koobka Horyaalka Naadiyada Yurub ee UEFA Champions League
 

Sabti, Juun, 10, 2023 (HOL) - Kooxda Kubadda Cagta Manchester City ee ka dhisan wadanka Ingiriiska, ayaa markii ugu horreysay taariikhda hadda ku guuleysatay koobka Naadiyada Yurub ee UEFA Champions League (UCL).

Man City, ayaa ciyaar adag oo ka dhacday garoonka Ataturk ee ku yaallo magaalada Istanbul ee wadanka Turkey-ga, waxay Hal Gool iyo Ebar (Man City 1-0 Inter Milan) oga badisay kooxda Taliyaaniga ah ee Inter Milan oo seddex mar horay ogu guuleystay koobkaan.

Goolka kaliya ee ay City ku badisay waxaa daqiiqadii 68-aad u dhaliyay ciyaaryahanka Rodri oo khadka dhexe ee daafaca oga ciyaaro kooxdaas.

Naadigaan lagu naaneyso Muwaadiniinta oo horay ogu soo guuleysatay horyaalka Premier league-ga iyo FA Cup-ka Ingiriika, ayey sidoo kale u suuro gashay 24 sano kadib iney jabiso rikoor  Ingiriiska oo dhan ay ka haystay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United; oo sidaan oo kale sannadii 1999-kii, kuwada guuleystay seddexdaan koob ee Premier league, FA Cup iyo Champions League-ga.

Macalinka layliyo naadigaan hadda guuleystay oo lagu magacaabo Pep Guardiola, wuxuu labo mar horay u qaaday koobkaan, isagoo markisii seddexaadna caawa ku guuleystay, taasna waxay ka dhigeysaa inuu yahay tababaraha labaad ee horyaalada naadiyada Yurub ugu qaadista badan, marka laga soo tago Tababare Carlo Ancelotti oo afar mar horay koobkaan ogu guuleystay.

Ugu dambeyn ciyaarihii final-ka UEFA Champions League-ga ee sannadihii dhawaa dhacay badankooda waxaa lagu kala badiyay hal gool iyo Ebar sida caawa dhacday oo kale.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]