7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2023
Turkiga oo gacanta ku dhigay lacag dhan 1 bilyan oo dollar oo faalso ah oo loo waday Afrika

Sabti, Juun, 10, 2023 (HOL) - Ciidamada amaanka dalka Turkiga ayaa magaalada Istanbul ku qabtay lacag dhan 1 bilyan oo dollar oo faalso ah.

Lacagtan ayaa loo xiray lix qof oo ku lug lahaa, kuwaasoo mid ka mid ah uu yahay qof u dhashay dalka Ghana iyo saddex qof oo Swedish ah, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka Istanbul.

Ciidamada Turkiga ayaa tuhmanayaasha ku qabtay goob bakhaar ah oo ku taalla degmada Kagithane ee magaalada Istanbul, halkaas oo ay ku qabteen lacagahan been-abuurka ah oo loogu talagalay in loo diro dalalka Afrika, sida uu sheegay Booliisku.

Eedeysanayaasha ayaa la baaray guryihii ay degenaayeen, waxaana laga qaatay lacagihii iyo dahabkii ay wateen. Qunsuliyada Iswidishka iyo Ghana ayaa lala wadaagay xogta muwaadiniintooda loo xiray kiiskaan.

Lacagtan been abuurka ah ayaa ahayd abid lacagtii ug badnayd ee taariikhda lagu qabto dalka Turkiga.