7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2023
Manchester City iyo Inter oo taariikhda markii ugu horeysay wada ciyaari doono Final-ka UEFA Champions League
 

Sabti, Juun, 10, 2023 (HOL) - Naadiyada Kubadda Cagta Manchester City iyo Inter Milan oo ka kala dhisan wadamada Ingiriiska iyo Taliyaaniga, ayaa goor dhow iskaga hor imaan doono kulanka ugu dambeeya xilli ciyaareedkaan ee Horyaalka Naadiyada Yurub ee UEFA Champions League (UCL).

Labadaan koox oo waligood aanan iskaga hor imaanin tartan kasta; marka laga reebo ciyaar saaxiibtinimo mooyee, ayaa la filayaa iney ku wada dheeli doonaan Garoonka Olombikada Ataturk ee ku yaallo magaalada Istanbul ee wadanka Turkey-ga.

Manchester City oo koox Ingiriis ah, kana ciyaarto horyaalka Premier League Ingiriiska, waligeed kuma guuleysanin koobkaan UCL, balse sannadkaan waxay timid final-ka iyadoo horay ogu soo guuleysatay horyaalka Premier league iyo FA Cup-ka Ingiriika.

Seddexdii sano ee la soo dhaafay waa markii labaad ee kooxdaan lagu naaneyso Muwaadiniinta (The Citizens) ama Sky Blues ay timaado finalka UEFA Champions League, madaama xilli ciyaareedkii 2020-21-ka ay kooxda Chelsea ka qaaday koobkaan ka dib markii ay kaga adkaatay ciyaartii ugu dambeeysay.

Pep Guardiola Tababaraha Manchester City oo horay u xaqiijiyay in kooxdiisu ay ku guulaysatay labo koob oo Ingiriiska laga ciyaaro, ayaa doonaayo in uu dhamaystirto saddexda koob ee kooxdiisu ay u tartameysay ee kala ah Premier league, FA Cup, iyo UEFA Champions League.

Haddii Manchester City ay caawa ku guuleysto finalka UCL waxay jabin doontaan rikoor ay horay  u haystay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United; oo 1999-kii kuwada guuleystay seddexdaas koob ee kala ah Premier league, FA Cup iyo Champions League. Xilligaas oo uu tababare u ahaa Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa u gashay taariikhda ilaa iyo hadda in naadigaas uu yahay kooxda kaliya ee ka ciyaarto horyaalka Iniriiska ee hal mar kuwada guulesatay seddexdaas koob.

Dhanka kale kooxda Talyaaniga ah ee Inter Milan waxay seddex jeer oo kala aheyd sannadihii (1964, 1965, iyo 2010-kii) ku guuleystay koobkaan ay caawa markisii afaraad u tartameyso.

Inter markii ugu dambeysay ee horyaalkaan ay ku guuleysatay 2010-kii waxaa macallin u ahaa Jose Mourinho, waxayna tagtay Istanbul sannakaan iyagoo dhabarka ka riixaya koobkii Italian Supercup iyo Italian Cup oo uu u hogaaminayay tababaraha hadda layliyo kooxdaan Simone Inzaghi oo ay walaalo yihiin Laaciibkii hore ee kooxda Milan - Filippo Inzaghi.

Naadigaan lagu naaneyso Nerazzurri ama ‘Madow iyo Buluugga’, waa kooxda kaliya ee Talyaani ah ee had iyo jeer ku tartanto heerka sare ee kubadda cagta Talyaaniga tan iyo markii ugu horeysay ee 1909, xilligaas oo hal sano kaliya ay jirtay kooxdaan.

Garoonka Ataturk Olympic Stadium

Garoonka ciyaarta ay caawa ka dhaceyso ee Ataturk Olympic Stadium oo qaado in ka badan 75 kun oo qof, ayaa waxaa ku ciyaaro xulka qaranka Turkiga, wuxuun ku yaalla aagga Basaksehir ee magaalada galbeedka Bosphorus.

Gagidaan waxaa lagu xasuustaa in ay marti galisay ciyaartii finalka aheyd ee sannadkii 2005-tii dhex martay kooxaha Liverpool iyo AC Milan oo rigoorayaal ay Liverpool ku qaaday koobkaas.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]