7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2023
Guddoomiyaha ONLF " Magaca OGADEN waa mid aan ku halgamayno, waana magac taariikhi ah, mana nihin Urur qabiil"
 

Sabti, Juun, 10, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha ONLF Cabdirahman Maadey oo kulan la yeeshay aqoonyahanka degaanka Soomaalida ayaa ka hadlay dhowr qodob oo ay kamid ahayd sababta keentay in ururka dhexdiisa uu khilaaf yimaaddo iyo qodobo kale.

Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay sababta keentay in ONLF ay waligeed ku dhaganaato magaca OGADEN, " Soomaali ayaa dhulkan iska leh, laakiin magacan OGADEN waa mid aan ku halgamayno, waana magac taariikhi ah oo haddii aan ka tagno taariikhdii aanu lahayn ayaan ka tagnay, annagu mabda' ayaanu u taaganahay dal baanu u taaganahay aayihiisa iyo xoriyaddiisa, qabiil uma taagnin qadiyad Soomaaliyeed oo siday ku baxday la og yahay difaaceed ayaan ku jirnaa" ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Dhinaca kale Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay waxyaabihii sababay in ONLF labo garab u kala baxdo " Khaladaadka iyo khilaafka ka dhex jiray gudaha ONLF ma ahayn mid shakhsi, ee waxay ahayd mid mabda', markii aanu doorashada galaynay xubnaha ONLF qaar baa noo arkayay inaan is dhiibnay oo aanu isu dhiibnay xukuumadda degaanka Soomaalida. Haddii ay noqoto in qadiyadda loo halgamayo ee ONLF khadkiisa laga leexiyo walaalkay hadduu noqdo waan ku kala tagaynaa" ayuu yiri Guddoomiyaha ONLF.

Ugu dambayn, waxa uu Guddoomiyuhu xusay in heshiiskii ay ONLF la gashay Itoobiya aysan waxbadan ka hirgalin, sida in la sameeyo guddi baadha waxyaabihii keenay dagaalkii ku dhawaad soddonka sano u dhaxeeyay Itoobiya iyo ONLF, taas oo Guddoomiyuhu sheegay in dowladda Itoobiya qodobkaas iyo kuwo kaleba aysan wali hirgalin.

Hadallada Guddoomiyaha ONLF Cabdirahman Maadey ayaa kusoo hagaagaya xilli shacabka degaanka Soomaalidu ay wax badan oo ku saabsan ONLF wax iska waydiinayeen, taas oo Guddoomiyaha ONLF uu inta badan ka war bixiyay qodobadaas iyo kuwo kaleba, inkastoo uusan ka hadlin wakhtiga ay midoobi doonaan labada garab ee haatan ay u kala fadhido ONLF.