7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2023
Al-shabaab oo faahfaahin ka bixisay weerarkii ay ku qaaday Hotel Pearl Beach
 

Sabti, Juun, 10, 2023 (HOL) - Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii cuslaa ee Xalay lagu qadaay Hotel Pearl Beach ee ku yaala xeebta Liido degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War qoraal ah oo kasoo baxay kooxda Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalamayaasha kooxda ay weerareen goob ay ku caween jireen masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Kooxda waxay sheegtay in dadka goobta lagu weeraray ay ahayeen kuwa hormuudka u ahaa dagaalada lagu qaaday goobaha ay ka taliyaan Ururka Al-shabaab.

War saxaafadeedka kasoo baxay kooxda Al-shabaab ayaa sidoo kale lagu xusay in weerarka mudadii uu socday ay ku dileen 29 ruux ayna ku dhaawaceen tiro intaasi ka badan, hayeshee wararka madaxa banaan ayaa sheeegaya in dhimashada weerarka ay gaareyso 5 ruux.

Warkaan kasoo baxay Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay shaacisay goordhaw iney soo afjartay weerarka ayna dishay ragii shabaabka ahaa ee weerarka ku qaaday Pearl Beach, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.