7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2023
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bixitaanka ciidanka ATMIS
 

Sabti, Juun, 10, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay wafdi Militari oo ka socday Midowga Afrika kuwaas oo dalka u jooga u kuur galida ka bixitaanka Soomaaliya ee ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaadka bishan June ay dalka ka bixi doonaan qeybtii ugu horeysay ee ciidanka ATMIS, kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 2,000 askari, islamarkaana  masuuliyada amniga goobaha ay ka baxayaan ku wareejin doona ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

"Waxaan maanta halkaan u fadhina howlaha la xariira bilaabista dhimista ciidanka ATMIS oo qeytii ugu horeysay bishan dhamaadkeeda baxayan, tilaabo wanaagsan ayaa la gaaray maanta taas oo ah in Ciidanka Qalabka sida ay ku filan yihiin inay ATMIS kala wareegaan mas’uuliyadda amniga goobaha ay banaynayaan ciidanka baxaya, sidoo kale waxaa la jooga xiligii shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isku tashan lahayeen oo ay u la wareegi lahayeen amaanka guud ee dalka bisha 12-aad sanadka soo socda 2024" ayuu yiri Wasiirka Gaanshaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohammed El-Amine Souef ayaa wasiirka uga mahad celiyay doorka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo guud ahaan dowladda ay ugu qeyb qaateen fulinta qorshaha kala guurka iyo soo dhaweeynta saraakiisha u timid iney uu kuur galaan hanaanka bixitaanka ciidanka ATMIS.

Gabagabadii Wasiir Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa u mahadceliyay ciidamada ka socda Midowga Afrika doorka ay ka qaateen xasilinta iyo amniga dalka, wuxuuna tilmaamay in qorshahaan bilaawga ah uu socon doono ilaa uu dalka ka baxayo askariga u dambeeya ee ciidanka AMTIS ka jooga gudaha dalka, kaas oo bixi doono dhamaadka bisha December 2024 sida ku cad qaraarka UNSCR 2628.