7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 9 , 2023
Xuska 18aad ee maalinta Qowmiyadaha Itoobiya oo maanta Jigjiga lagu qabtay

Sabti, December, 9, 2023 (HOL) - Munaasabadda Xuska maalinta Qowmiyadaha Itoobiya ayaa maanta si weyn loogu xusay magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida, waxaana xuskan kasoo qaybgaley masuuliyiin isugu jira kuwa heer Fedaral iyo madaxda dowlad degaannada dalka Itoobiya marka laga reebo kan Tigray, Safiirrada dalalka Soomaaliya Jabuuti iyo marti sharaf kale.

Munaasabaddan oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Jigjiga ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiinta u sarreysa dowladda Itoobiya oo ay u horreyso Madaxweynaha Itoobiya Zahlewarqi Zowde, Madaxda Dowlad goboleedyada Itoobiya iyo kooxaha hidaha iyo dhaqanka ee degaannada dalka Itoobiya oo iyagu halkaa kusoo bandhigayay dhaqanadooda kala duwan iyo waxa uu degaan kasta uu gaar uleeyahay.

Intii ay Munaasabadda xusku socotay waxaa halkaa hadallo kala duwan kasoo jeediyay masuuliyiintii kala duwanayd ee kasoo qaybgashay munaasabaddan oo u horreeyay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, isagoo sheegay in 10 sano kahor markii xuskan lagu qabtay isla magaalada Jigjiga in wakhtigaa uu degaanka ka talin jiray waxa uu ku tilmaamay Nidaam kaligii talisnimo, kaas oo uu sheegay in shacabka uu wakhtigaa ka dheereeyay Nabadda, isla markaana hormarkii ka hor istaagay, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Sidoo kale waxaa isla goobta munaasabaddu ka socotay hadallo kooban kasoo kala jeediyay Madaxweynaha Itoobiya Zahlewarqi Zowde, iyo Afhayeenka golaha faderashinka Itoobiya Ageyahu Teshager, waxayna si guud uga hadleen xaaladda Itooboya iyo muhiimada ay maalintan u leedahay dhammaan Qowmiyadaha Itoobiya.

Ugu dambeyn, waxaa lasoo gunaanaday munaasabadda xuska Qowmiyadaha Itoobiya, iyadoo lagu wareejiyay degaanka Koonfurta Itoobiya inuu martgaliyo xuska kan xiga ee 19aad, waxaa xusid mudan in Xuska Qowmiyadaha Itoobiya oo sannad walba bishan oo kale lagu xuso mid kamid ah degaannada dalka Itoobiya, in doorkan markii labaad lagu xusay Dowlad degaanka Soomaalida.

Dadka ku dhaqan magaalada Jigjiga ayaa markii munaasabado noocan oo kale ah lagu qabanayo magaalada waxay dareemaan culaysyo ay kamid yihiin isku socodka magaalada oo layareeyo iyo baadhista guryaha xilliga habeenkii ah, taas oo dadku intooda badan ay dhibaatooyin kala kulmaan, inkastoo hay'adaha amniga degaanku ay howlahaas ku tilmaameen kuwo amniga lagu sugayo, haddana magaalada Jigjiga waa mid lagu dhib qabo xilliyada magaalada lagu qabanayo munaasabado waawayn iyo xilliga ay magaalada ku sugan yihiin masuuliyiin sarsare.