7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 9 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhigiisa madaxweynaha dalka Jabuuti

Sabti, December, 9, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Jabuuti kaga qeybgalaya shirka 41-aad ee Urur goboleedka IGAD ayaa maanta dalkaas kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dowladood iyo amniga gobolka.

"Labada Madaxweyne ayaa iska waraystay xaaladda gobolka, xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo nabadda gobolka" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale lagu wada mudada uu ku sugan yahay dalka Jabuuti inuu kulamo gooni gooni ah uu halkaas kula qaato madaxda Urur goboleedka IGAD ee ka qeybgaleysa shirka.