7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 9 , 2023
Labada aqal ee baarlamaanka oo meel mariyay miisaaniyadda dowladda oo gaartay in ka badan hal bilyan
 

Sabti, December, 9, 2023 (HOL) - Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyay ku talo-galka Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee sannadka soo socda ee 2024.

Tiro dhan 183 Xildhibaan oo katirsan labada aqal, ayaa cod gacan taag ah waxay ku meel mariyeen miisaaniyadda dowladda. Halka Saddex xubnood ay kasoo horjeesteen.

Sida uu sheegay xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo ah guddoomiyaha guddida maaliyadda iyo miisaaniyadda ee golaha wakiillada, miisaaniyadda la horkeenay baarlamaanka ayaa ahayd in ka badan hal bilyan ($1,079,315,784).

Wasiirka Maaliyadda Mr. Biixi Iimaan Cige oo uga mahad celiyay baarlamaanka meel marinta miisaaniyadda, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah ee miisaaniyaddu ay ka ciyaareyso fududeynta geedi-socodka dayn cafinta Soomaaliya, oo maraysa meel gabagabo ah.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in dowladda ay ka go'an tahay inay si guul leh u maareyso geeddi-socodka dayn cafiska, isagoo sheegay in Soomaaliya ay noqon doonto waddankii ugu horreeyay ee loo oggolaaday inuu sii wado helitaanka gargaarka, isagoo daynta laga cafiyay.

"Ma jiro waddan kale oo la siiyay mudnaantan. Miisaaniyadda la ansixiyay waxa ay diyaar u tahay in ay si weyn uga qayb qaadato dadaallada Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo deyn cafinta, taas oo muujinaysa guul muhiim ah oo qaranka u soo hoyatay,” ayuu yiri wasiir Biixi Cige.

Miisaaniyadda la ansixiyay ayaa la filayaa in ay taageerto hiigsiga Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida maaliyadeed iyo in ay gacan ka geysato dadaalka lagu xaqiijinayo in dalka laga cafiyo deymaha laga cafinayo.