7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 9 , 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duuleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool
 

Sabti, December, 9, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Huujaley oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada dowladda deegaanka Huujaley oo dhaca duuleedka degmada Xudur.

Ilo ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab uu halkaasi ku dhexmaray dagaal socday ku dhawaad hal saac, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, hayeeshee wali lama xaqiijin  khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad oo ka hadlay dagaalka waxay sheegeen inay ka hortageen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay jab xoogan gaarsiigeen kooxdii weerarka kusoo qaaday.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-shabaab oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Huujaley ee duuleedka degmada xudur ee gobolka Bakool.