7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 9 , 2023
Taliska ciidanka xoogga dalka oo faahfaahin ka bixiyay howlgalo culus oo laga sameeyay gobolka Hiiraan
 

Sabti, December, 9, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 27-aad Faarax Cali Waasuge, Faarax Kooshin ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo qaatay mudo todobaad ah ka socday deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalada ay iska kaashanayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka in laga gaaray guulo la taaban karo, islamarkaana ciidamadu ay ku qabsadeen dhul baaxad leh oo ay Al-shabaab joogeen.

“Howlgalka waxuu ahaa mid lagu najaxay oo dhul dheer ilaa 115 Kiilo-mitir lagu soo maray, waxaana meel waliba oo ay tageen looga dabatagay nimankii khawaariijta aha, howlgalka waxuu kasoo billowday degmada Buulaburte aagga kalabayr, Maxaabiis ayaana cadawga ka qabanay” Taliyaha qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Faarax Kooshin.

Howlgaladaan mudada todobaadka ah ka socday inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Buulaburte ayaa imaanaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab ay dib ugu soo laabanayeen deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya Baledweyne iyo Buulaburte.

Gobolka Hiiraan ayaa ahaa gobolkii ugu horeeyay ee uu ka bilaawday kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee haatan la filayo in maalmaha soo socdo uu si toos ah u bilaawdo wajigiisii labaad ee lagu soo afjarayo kooxda Al-shabaab.