7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 9 , 2023
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo la horgeeyay masuul hore oo loo haysto inuu Shabaab ku biiray

Sabti, December, 9, 2023 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmooyinka Hodan iyo Xamarwayne, Abuukar Saalax Maxamuud (Afrax), ayaa maanta la horkeenay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Abuukar Afrax ayaa lagusoo eedeeyay inuu katirsan yahay kooxda Alshabaab, islamarkaana uu shirqoolo u adeegaya Shabaab ka fuliyay magaalada Muqdisho.

Xeer ilaaliyaasha maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in Abuukar uu ahaa nin aaminsan fikirka Shabaabnimada isagoo xil ka haya maamulka gobolka Banaadir. Waxay beeniyeen in lagu qasbay wareysi uu ku sheegayo inuu ku baxay dowladda, kuna biiray  Alshabaab.

Eedeymaha loosoo jeediyay waxaa sidoo kale kamid ah, inuu Muqdisho ka dhoofin jiray, kana soo dajin jiray xubno katirsan kooxda Alshabaab, isagoo isticmaalaya shaatiga dowladnimada.

Waxaa kaloo lagu eedeeyay inuu dad uu tashkiiliyay u diray dhinaca Alshabaab.

Abuukar Afrax ayaa isna maxkamadda ka  sheegay in uusan waligiis Shabaab kamid noqon. Wuxuu sheegay inuu iskusoo dhiibay dowladda markii ay Alshabaab sii daayeen wareysi uu sheegay in laga qaaday mar la afduubtay.

Qareenadiisa waxay sheegeen in codka laga duubay uu ahaa mid uu nafsadiisa ku badbaadsanayay. Waxay sheegeen in Alshabaab ay beegsi ku ahaayeen ganacsi uu ku lahaa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha maxkamada ayaa sheegay in maxkamaddu go’aan kasoo saaridoonto eedda loo haysto Abuukar Afrax.