7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 6 , 2023
Wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo Turkiga ku galay shil baabuur oo sababay dhimasho

Arbaco, December, 6, 2023 (HOL) - Warbaahinta dalka Turkiga ayaa ku warramaysa in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu galay shil baabuur oo sababay dhimashada darawal mootoole ah oo lagu magacaabi jiray Yunus Emre Göcer.

Shilkan sababay geerida ayaa wuxuu 30-kii bishii Noofambar ka dhacay, meel u dhow waddada Eurasia Tunnel ee magaalada Istanbul.

Göçer, oo 38 jir ahaa, ayaa wiilka madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, oo watay baabuur ka diiwaan gashan Qunsuliyadda Soomaaliya ee Istanbul, wuxuu gadaal uga dhuftay mootada Göçer, taasoo uu kasoo gaaray dhaawac culus.

Lix maalmood kadib, ayuu Göçer u geeriyooday dhaawaca kasoo gaaray shilka gaari, isagoo ku geeriyooday Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee magaalada Istanbul.

Booliiska ayaa sii daayay warbixin ku saabsanayd, in Göçer uu lumiyay xakamaynta mootada. Balse muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon, ayaa shaaca ka qaadaya in gaariga wiilka madaxweynaha oo xawaare sare ku socday uu dhabarka kaga dhacay mootada uu watay Göçer.

Maxamed Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la sii daayay shilka kadib, ka dib markii uu booliisku bayaan soo saaray.

Ehelada marxuumka iyo qareenkiisa ayaa walaac ka muujiyay sida booliisku kiiskan u maareeyay.

Qareenkiisa Iyaz Çimen, oo la hadlayay warbaahinta, ayaa dhaleeceeyay khaladaadka warbixinta booliiska, wuxuuna muujiyay saamaynta ay xasaanadda diblomaasiyadeed ku yeelan karto dacwadaha sharciga ah.

Yunus Emre Göcer, oo ahaa aabbe labo caruur haysta, ayaa lagu aasay qabuure kuyaala Gümüşsuyu Cemevi. Qoyskiisa ayaa waxay dalbadeen baaritaan hufan iyo dacwad sharci oo caddaalad ah, si uu caddaalad u helo Göcer.