7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 6 , 2023
Soomaaliya oo ku biirtay Guddiga Fulinta Cimilada Maaliyadeed ee Adduunka
 

Arbaco, December, 6, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay Guddiga Fulinta Cimilada Maaliyadeed ee Adduunka oo ka kooban lix xubnood, kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyay ku biirista Soomaaliya ee guddigan.

Ku biirista Soomaaliya ee guddigaan ayaa lagu shaaciyay munaasabad ka dhacday magaalada Dubia ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Soomaaliya Khadiija Maxamed Makhzumi ayaa munaasabada kaga hadashay caqabadaha xiligaan ka jira dalka ee ku aadan helida dhaqaalaha Cimilada.

Wasiir Khadiija Maxamed Makhzumi ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay caqabado badan kala kulanto halista dhaqaale ku filan Cimilada, iyadoona soo bandhigtay qorshayaasha hiigsiga leh ee ku wajahan tijaabooyinka isbdal doonka qaranka Soomaaliyeed.

“Hawl-wadeennada Maaliyadda Cimilada, oo ay Soomaaliya ku jirto, waxay diyaar u yihiin inay sameeyaan tallaabooyin wadajir ah oo dib loogu qaabeynayo muuqaalka maaliyadda cimilada adduunka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Dowladda Soomaaliya waxay mudooyinkii dambe horumaro la taaban karo kasoo hoysay dhanka xiriirka Caalamiga ah, waxayna ku guuleysatay iney ka mid noqoto Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo in laga qaado Cunaqabateyntii hubka ee saarneyd mudada ka badan 30-ka sano.