7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 6 , 2023
Musharax Cirro: Waxan isleeyahay ka doorashada diidan ee dagaalka u bu'aya waa fulay
 

Arbaco, December, 6, 2023 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in loo baahanyahay in doorashadana la qabto Somaliland na la difaaco oo la mideeyo.

Cirro oo ka hadlayay dalka Finland ayaa yidhi "Muuse heshiiskii wuu ogolaaday heshiiskii doorashada hadana wuu ka warwareegayaa doorashadii, waxan isleeyahay ka doorashada diidan ee dagaalka u bu'aya waa fulay" ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu u tagaanyahay isku haynta dadka iyo dhulka Somaliland, isla markaana uu diyaar u yahay difaacooda, waxa uu sheegay in Somaliland meel fiican maraysay lakiin xukuumada Biixi ay waxyeelaysay horumarkeeda.

Waxa uu xusay in dagaalkii ay Somaliland ka gashay gobolka Sool aanu faa'iido u ahayn Somaliland, isaga oo sheegay in xukuumadu dhul iyo dadba lumisay, isla markaana saraakiisa iyo maxaabiista ciidanka laga qabtay anay dan ka lahayn.

"Anagu waxaanu qabnaa dalka in la difaacaa waa khasab dadku in ay is difaacaana waa khasab, lakiin marwalba nabada ayay Somaliland ugu badinaysa, in muwaadinkasta la difaaco xukuumada ayuu saaranyaha xilkaasi" ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in midaynta dadka Somaliland ay mudnaanta kowaad u tahay xisbigiisa, isla markaana waxa uu xusay in dadka reer Sool ay yihiin reer Somaliland loona baahanyahay in si sinaan ah lagu dhaqo dhamaan shacabka.