7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 6 , 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dil loo geystay Wiil iyo Abtigiis oo ka dhacay dalka Koonfur Afrika
 

Arbaco, December, 6, 2023 (HOL) - Kooxo hubeysan oo ah burcad u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa Xalay Magaalada Rustenburg ee dalkaas ku dilay laba ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqa tagay dalka Koonfur Afrika.

Allaha u naxariiste laba muwaadin ee Xalay burcada ku dishay goobtooda ganacsi ayaa kala ahaa wiil iyo abtiis oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxiin Xasan Cali iyo Ibrahim Warsame Ibrahim.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka South Afrika ayaa dilka kadib gaaray goobta lagu dilay labada Marxuum, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilal si joogta ah loogu geystay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqo tagay dalkaas Koonfur Afrika oo aysan jirin cid wax ka qabaneysa.

Bilaha ugu dambeeya sanad walba Koonfur Afrika waxaa lagu dilay tirada ugu badan ee ganacsatada Soomaaliyeed, maadama burcada ay doonayan dhaqaalo ay ku tamashleeyaan maalmaha Kirismiska, taasoo keenta iney burcada kordhiyaan dhaca iyo dilalka ay ku hayaan Soomaalida.