7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 6 , 2023
UK oo ku dhawaaqday taageero bini'aadantinimo oo dheeri ah oo looga jawaabayo fatahaadaha Soomaaliya
 

Arbaco, December, 6, 2023 (HOL) - Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday ku dhawaad $7 milyan (£5.5 milyan) oo ah maalgelin dheeri ah oo lagu taageerayo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jirta Soomaaliya.

Bishii la soo dhaafay, roobab xooggan oo ka da’ay qeybo ka mid ah dalka, ayaa saameeyay in ka badan laba milyan oo Soomaali ah, iyadoo in ka badan 700,000 oo qof ay ka barakaceen guryahoodii.

Gargaarkan bini'aadantinimo ee dheeriga ah ayaa bixin doona taageero naf-badbaadin ah oo la siinayo dadka ay saameeyeen daadadka, kuwaas oo laga taageeri doono sugnaanta cuntada, caafimaadka, nafaqeynta iyo biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka.

“Ku dhawaaqista cusub ee maalgelinta ayaa noqon doonta mid muhiim ah si loo hubiyo in bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey lala gaaro taageero waqtigeeda ku habboon. Waxaan ballan qaadnay inaan taageerno tallaabooyinka ka hortagga iyo sidoo kale wax ka qabashada dhibaatada,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay safaaradda UK ee Muqdisho.

Roobabka mahiigaanka ah ee ka da'ay Soomaaliya ayaa yimid kadib laba sano oo abaaro daba dheeraaday iyo saameyno bini'aadantinimo oo ka dhalatay.

Maalgelinta cusub ee bini'aadantinimada ayaa timid iyadoo UK ay ku dhawaaqday 100 milyan oo gini oo taageero ah oo la siinayo waddamada u nugul saameynta isbeddelka cimilada.

Waxaa ku jiray £7.4 milyan si loogu taageero dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u hesho awood wax looga qabto abaaraha saddexda sano ee soo socda.