7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 6 , 2023
Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay inay Puntland ku laabatay doorashadii 66 xildhibaan

Arbaco, December, 6, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Puntland ay dib ugu laabanayso doorashadii baarlamaaniga ahayd ee horey loogusoo dooran jiray madaxdii hore ee Puntland.

Madaxweyne Deni oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada, ayaa wuxuu sheegay inuu ka xun yahay inuu qaato go’aan uu ku joojinayo dimuqraadiyaddii Puntland, balse wuxuu sheegay, isagoo eegaya daruufaha ka jira, inuu u tanaasulay in lagu laabto doorashadii 66-da xildhibaan ee beeluhu soo xulan jireen.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in ay jiraan qorshayaal la doonayay in Puntland gudaheeda colaad laga abaabulo, iyadoo laga faaidanayso khilaafka arrimaha doorashada. sidoo kale wuxuu sheegay inuu u turay marxaladda SSC- Khaatumo ay ku sugan tahay.

Wasiir arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ahaa mashiinkii dhaqaajinayay hannnaanka dimuqraadiyadda ee "Geeddi Caano leh", ayaa tallaabo geesinimo leh ku tilmaamay go’aanka uu qaatay madaxweyne Deni.

Juxa ayaa sheegay, inuu ka xun yahay wuxuu ku tilmaamay xoogag maro ku dheg ahi, inay lugaha ku dhageen dimuqraadiyaddii Puntland, wuxuuse sheegay in ay Puntland u baahan tahay hoggaamiye ka saari kara xaaladda lagu jiro.

Go'aanka uu qaatay madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmay, iyadoo maanta isimmada SSC- Khaatumo ay soo jeediyeen in lagu laabto doorashadii baarlamaaaniga ahayd, balse waxay ku taliyeen in baarlamaanka hadda jira isagu soo doorto madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu si degdeg ah usoo magacaabo guddiga ansixinta xildhibaanada.