7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 30, 2023
Hoggaamiye Firdhiye oo shirka Jabuuti ku tilmaamay mid dib u midaynaya Somaliland iyo Soomaaliya
 

Sabti, December, 30, 2023 (HOL) - Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay in shirka Jabuuti uu u muuqdo mid midaynaya Somaliland iyo Soomaaliya.

Firdhiye oo goob fagaare ah dadweyne kala hadlay, ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in shirka Jabuuti uu fure u noqday in Somaliland iyo Soomaaliya dib u midoobaan.

"Shirka waxan u rajaynayaa in uu noqdo kii lagu ibo furi lahaa midnimada Soomaaliya, oo kooxdaa gooni u goosad ka ahi ay ka tanaasulaan fikirkii duugoobay" ayuu yidhi Hoggaamiye Firdhiyr.

Waxa uu sheegay in Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland oo heshiiska ka saxeexay dhinaca Somaliland uu caddaynayo in Somaliland ay usoo dabacday midnimada.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo isna fagaaraha ku wehelinayay Hoggaamiye Firdhiye, ayaa sheegay in shirka Jabuuti uu u muuqday mid midaynaya Somaliland iyo Soomaaliya, madaama oo lagu soo dhawaaday in laga doodo arrimaha masiiriga ah.

Somalilad iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in lasii wado wadahadalada iyo in la fuliyo dhamaan heshiisyadii ay labada dhinac galeen tobankii sanno ee lasoo dhaafay.