7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 30, 2023
UK oo soo dhawaysay war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Somaliland iyo Soomaaliya ee Jabuuti

Sabti, December, 30, 2023 (HOL) - Dowlada Ingiriiska ayaa soo dhawaysay qodobadii kasoo baxay wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee Jabuuti.

Qoraal lagu baahiyay barta X ee Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Ingiriisku uu soo dhawaynayo heshiiska, labada dhinac, iyada oo uu ku tilmaamay talaabo muhiim ah oo xaga dib u heshiisiinta loo qaaday.

"Waxaan soo dhawaynaynaa war-murtiyeedka ka dib wadahadalo muhiim ah oo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, Xasan Sh. Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi ee Jabuuti, waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dib-u-heshiisiinta".

Kadib wadahadalo muddo 2 cisho ah Jabuuti uga socday madaxda Somaliland iyo Soomaaliya, waxa heshiis lagu gaadhay in dib loo amba qaado wadahadaladii qabyoobay ee labada dhinac, kuwaasi oo si aan toos ahayn u socday muddo 10 sanno ah.

Dhinacyada ayaa isku raacay in ay magacaabaan guddi farsamo oo laba geesood ah, oo ka shaqaysa geedi socodka wadahadalada bilaabmay.