7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 30, 2023
Nin u dhashay Maraykanka oo loo xiray inuu ku biiri lahaa kooxda Al-Shabaab

Sabti, December, 30, 2023 (HOL) - Hay’adda FBI-da Maraykanka ayaa xirtay Karrem Nasr, oo 23 jir ah, kana soo jeeda New Jersey, kadib markii lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu taageero u fidiyo ururka Shabaab.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Nasr loo ka xeeyay dalka Mareykanka Khamiista, Waxaana la filayaa in galinka dambe ee maanta uu kasoo muuqdo maxkamadda federaalka Maraykanka.

Sida laga soo xigtay eedeymaha loo haysta, ninkaan ayaa ka soo duulay dalka Masar 14-kii Disembar, isagoo u dhoofay Kenya si uu isugu dayo inuu ku biiro ururka Alshabaab.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Degmada Koonfurta ee New York, ayaa lagu sheegay in Nasr uu muujiyay rabitaankiisa ku biirista Al Shabaab si uu u helo tababar ciidan.

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Damian Williams ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, “Nasr waxa uu u diyaar garoobay in uu wax dilo ama la dilo si uu u taageero jihaad doonka.”

Nasr, hadii lagu helo dambiga lagu soo oogay wuxuu wajihi doonaa ilaa 20 sano oo xarig ah.