7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 30, 2023
Tartanka Kubadda Cagta maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay
 

Sabti, December, 30, 2023 (HOL) - Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in dib loo dhigay muddo laba maalin ah tartanka Ciyaaraha kubada cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo Shalay si rasmi ah uga furmay garoonka kubadda Cagta Stadium Muqdisho oo ay ku wada ciyaareen Galmudug iyo Hirshabeelle oo ku kala baxay barbar dhac.

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu waday iney wada ciyaaraan kulanka labaad ee tartanka xulalka kala matalaya maamulada Koonfur Galbeed iyo Banaadir, hayeeshee xiriirka ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in ciyaartaasi dib loo dhigay.

"Guddiga Farsada Iyo Tartamada Ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Iyo Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Cayaaraha JFS waxay Raali gelin Buuxda Siinayaan Dhamaan Taageerayaasha Tartanka Dowlad Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir Iyo Dhamaan Bagdad Sports ka Ciladihii farsamo Iyo Daaha Cayaarta Galabta Ku Timid , Sidoo Kale Waxay Si khaas uga raaliginayaan Taageerayaashii Galabta U Saamixi Weysay inay Daawadan Tartanka Ayaga oo Tikityo Soo Jartay" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Qoraalka kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulanka dib loo dhigay la ciyaari doono maalinta Isniinta ah oo ay taariiqdu ku beegan tahay Isniinta 1-da bisha Janaayo ee sanadka soo socda 2024, islamarkaana ay dib kasoo bandhigi doonaan jadwalka kulamada tartanka oo faahfaahsan.