7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 30, 2023
Raysal wasaare Xamse oo ku dhawaaqay waqtiga la qaadayo dhagaxaanta ku xirin wadooyinka Muqdisho
 

Sabti, December, 30, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in bilaawga sanad cusub ee 2024 oo ay ka harsan tahay hal maalin oo kaliya in la qaadi doono inta badan dhagaxyada amni ahaan ugu xiran wadooyinka magaalada Muqdisho.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkaan kaga dhawaaqay kulan lagu soo bandhigayay horumarka iyo guulaha laga gaaray amniga guud ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kaasoo ay soo qabanqaabiyeen maamulka gobolka Banaadir, islamarkaana ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, madaxda gobolka Banaadir, culimada, odayaasha dhaqanka iyo haween.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in dowladninada aanan horumar laga sameyn karin hadii aan amniga si buuxdo loo xaqiijin, wuxuuna ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Muqdisho iney qaataan doorkooda kaga aadan in Shabaab laga ciribtiro Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Raysal wasaaraha ayaa ku amaanay hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir dadaalka iyo wada shaqeynta dhexdooda ah, isagoona xusay in haatan dalka u marayo meel muhiim ah oo caalamka ku qiimeynayo talaabooyinka ay qaadeyso dowladda Fedaraalka maadaama laga qaaday cunaqabatayntii hubka, lagana caiyay dayntii.