7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 30, 2023
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo taageeray in doorashada Puntland lagu galo 49 xidhibaan
 

Sabti, December, 30, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo dhoweeyay go’aankii isimmada SSC- Khaatumo, kaasoo ahaa in aysan soo xuli doonin 17- ka xidhibaan ee ku matali jiray baarlamaanka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inuu taageersan yahay in doorashada madaxtinimada Puntland lagu galo 49 xildhibaan, wuxuuna caddeeyay in uusan aqbali doonin 17 xildhibaan oo aan ku imaan matalaadda SSC- Khaatumo.

“Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas. Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen.

Axmed Karaash ayaa ka digay  tallaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa kusoo aaday, iyadoo guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha xildhibaanada, lagu wado inay berito shaaciyaan liiska xildhibaanada barlamaanka Puntland.

Liiska ayaa la rumaysan yahay inay ku jiraan 17 xildhibaan oo kasoo jeeda SSC- Khaatumo, kuwaas oo lagu eedeynayo inuu madaxweyne Deni isagu soo xushay, ayna ku jiraan liis dheer oo kamid ah golihiisa wasiirrada iyo shakhsiyaad kale oo ku agdhaw.

Guddiga dhexdiisa ayaa wararku sheegayaan inay isku khilaafsan yihiin, inay xubnaha SSC- Khaatumo ku daraan ama ka reebaan liiska la shaacindoono maalinta berrito ah.

Xalayna, isimmada Puntland ayaa sheegay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan, waxayna sheegeen in aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin in tiradaas lagu galo doorashada guddoonka barlamaanka iyo madaxtooyada.