7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2023
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Axad, December, 3, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Warsaxafadeed kasoo saartay khasaaraha ka dhashay howlgal ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo garab ka helaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen Tuulada Helo Bacaad ee gobolka Hiiraan.

Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa Tuulada Helo Bacaad oo qiyaas ahaan 8 KM dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

"Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayey Tuuladaan isla markaana isku diyaarinayay inay u gudbaan qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya. Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa sidoo kale burburiyay Saanado Ciidan iyo Gaari Dameero ay ku wadeen Hub iyo waxyaabaha Qarxa" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.

Waxaa sidoo kale lasoo warinayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay wali baacsi kusii hayaan xubnahii Al-shabaab ee ka badnaaday howlgalka.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-