7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2023
Guddoomiye Nuur Dheere "Baahi qof haysa waa arkay laakiin weligay ma arkin baahi cows ku geynaysa"
 

Axad, December, 3, 2023 (HOL) - Waxaa aad looga soo deyrinaya xaalada nololeed ee dadka ka barakacay fatahaada uu dhawaan ka sameeyay wabiga Shabeelle degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge Nuur Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in boqolaal qoys oo ka barakacay fataahada wabiga Shabeelle iney haatan wajahayaan cunto la'aan daran, islamarkaana ay qaarkood bilaabeen iney baahi darteed cunaan Cowska.

"Baahi qof haysa waa arkay laakiin weligay ma arkin baahi cows ku geynaysa, marka ka hor ma arkin, waxaa maqli jiray dadka tahriiba kaadidooda ayay cabaan, tahriib waa nolol raadi iyo kibir adoo biyo nadiifa helaya, waa wax aad dooratee laakiin qof gurigeeda joogta oo wax ay ku cuntay weysay oo cows naf ka raadisay xaaladda gobolka sidaas ayay mareeā€ ayuu yiri guddoomiye Nuur Dheere.

Guddoomiye Nuur Dheere ayaa ugu baaqay hay'addaha gargaarka iyo beesha Caalamka iney gurmad deg deg ah lasoo gaaraan dadka ku dhibaateysan degmada Jalalaqsi iyo deegaanada hoos yimaada.

Si kastaba ha ahaatee magaalooyinka Baledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi oo dhamaantood ka tirsan gobolka Hiiraan waxaa haatan ka jira xaalado bani'aadanimo nooca ugu daran oo ka dhashay fataahada wabiga Shabeelle oo si weyn u saameysay sadaxaas magaalo iyo deegaano kale oo hoostaga.