7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2023
Deni oo mar kale sheegay in ay ka go'an tahay qabashada doorasho qof iy cod, xilli 35 maalmood uga harsan tahay xukunkiisa

Axad, December, 3, 2023 (HOL) - Madaxweyne Deni iyo qaar kamid ah xisbiyada siyaasada ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay hirygaliyaan doorasho qof iyo cod, xilli muddo xileedka Deni uu ka harsan yahay dhowr iyo sodon cishe.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu mucaaradka kala xaajoodo sidii loogu qancin lahaa inay ka qeyb galaan hannaanka doorasho ee qof iyo cod.

Madaxweyne Deni wuxuu tilmaamay inay ka go’an tahay inay doorashaada ku hirgaliyaan si nabdoon.

Hadalka Deni ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta laga war sugayo in guddi isimo ah oo ka socda SSC- Khaatumo ay bayaan kasoo saaraaan natiijada kasoo baxday dadaaladii ay ugu jireen in xal laga gaaro khilaafka ka taagan arrimaha doorashada.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo xog ogaal ah, ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uusan ku qanacsanayn go'aanada kasoo bixidoona Isimada SSC.

Kooxaha mucaaradka ayaa lagu wadaa inay maanta soo saaraan war ay kaga jawaabayaan hadalka kasoo baxay madaxweyne Deni iyo qaar kamid ah xisbiyada.

Shalay, mucaaradka waxay hakiyeen go’aan ay ku doonayeen inay ku magacaabaan guddiga ansixinta baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka.

Waxay sheegeen inay fursad siiyeen dadaalada ay wadaan dhinacyada ku howlan xal gaarista.