7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2023
Ciidanka amniga oo qabtay nin doonayay inuu miino ku dhajiyo dukaan uu qof shacab ah leeyahay

Axad, December, 3, 2023 (HOL) - Ciidanka amniga ee dowladda ayaa gacanta ku dhigay eedeysane doonayay inuu miino ku dhajiyo xarun ganacsi oo kutaala suuqa bakaaraaha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Salaax Dheere ayaa warbaahinta u sheegay, raad raac la sameeyay in lagu guulaystay in gacanta lagusoo dhigo eedeysanaha iyo mooto bajaaj lagusoo qaaday miinada.

Afhayeenka gobolka Banaadir, wuxuu tilmaamay qabashada eedeysanaha in ay gacan ka geysatay macluumaad laga helay kaamirooyinka qarsoon ee dowladdu ay amartay in lagu xirto goobaha ganacsiga.

Saalax Dheere wuxuu sheegay eedeysanaha in laga dhex arkay kaamerada isagoo doonayay inuu miinada ku dhajiyo dukaan qof muwaadin uu leeyahay.

Wuxuu sheegay in lagu raad joogo shabakad uu eedeysanaha katirsan yahay, kuwaas oo ka shaqeeya inay sameeyaan falal lagu qalqal galinayo ganacsatada magaalada Muqdisho, si loogu diido inay ka qeyb qaataan sugidda howlaha amniga.

Afhayeenka gobolka Banaadir wuxuu ugu baaqay ganacsatada inay dowladda la shaqeeyaan oo ay hirgaliyaan in xarumahooda ay ku xirtaan kaamirooyinka amniga lagu xoojinayo.