7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2023
Faahfaahin : Qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay dhallinyaro qoranaysay ciidanka Gorgor

Axad, December, 3, 2023 (HOL) - Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay, kadib markii qof iskusoo xiray waxyaabo qarxa uu isku qarxiyay afafka hore ee xerada TurkSom.

Qaraxaan ismiidaaminta ahaa ayaa lala beegsaday koox dhallinyaro ah oo safaf dheer ugu jirtay inay qortaan oo ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka ee Gorgor.

Warar horudhaca oo aan helayno waxay sheegayaan, in dadka qaraxa ku dhaamacmay ay u badan yihiin dhalinyaradii qoranaysay inay ku biiraan ciidamada Gorgor.

Weli lama xaqiijin wax dhimasho ah.

Qofka qaraxu ku xirnaa uu doonayay inuu dhex galo dhalinyarada, ayay ciidamada amaanku ka shakiyeen, deetana inta aanu soo gaarin dhalinyarada safka ku jirtay uu is qarxiyay.

Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda falkaan, ayaa shaaciyay inay ku dileen 32 askari oo katirsan ciidanka dowladda.

Qaraxaan ayaa yimid, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay amniga magaalada Muqdisho uu soo hagaagayay, iyadoo ay hoos u dhaceen falalkii qaraxyada ahaa.