7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 3 , 2023
Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho
 

Axad, December, 3, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo miinooyin ah oo saacadahii lasoo dhaafay lala eegtay goobo ganacsi oo kala duwan oo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho.

Goobaha ganacsiyada ee qaraxyada miino lala eegtay ayaa laba ka mid ah waxay ku yaalaan jidka 30-ka, gaar ahaan agagaarka laba dhagax.

Qaraxa sadaxaad ayaa la tilmaamay inuu ka dhacay goob ganacsi oo ku taala gudaha suuqa weyne ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Cirtoogtaha.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxyada ay geysteen khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, waxaana wararku sheegayaan in laba haween ah oo wadada marayay iney ku dhinteen qarax ka dhacay suuqa Bakaraaha, gaar ahaan Cirtoogtaha.

Sababaha qaraxyadaan loola beegsanayo goobaha ganacsi ayaa la xariira in xarumahooda ganacsi ay ku xirnaayeen kaamirooyinka wax duuba ee CCTV oo ay ganacsatadu ku amreen hay'addaha amaanka dowladda Soomaaliya, waxaana amaradaasi kasoo horjeeda oo diidan in Kaamerooyin lagu xero goobaha ganacsiga kooxda Al-shabaab.