7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 29, 2023
Shirkii Soomaaliya iyo Somaliland uga socday dalka Jabuuti oo war murtiyeed laga soo saaray
 

Jimco, December, 29, 2023 (HOL) - Waxaa goordhaw war murtiyeed laga soo saaray shir mudo laba maalmood uga socday dalka Jabuuti wafdi ay kala hoggaaminayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

War murtiyeedka ayaa ka kooban sideed qodob, waxaana lagu sheegay in labada dhinac ay isla meel dhigeen in dib loo amba qaado geedi socodka wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo mudo badan hakad ku jiray.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in muddo 30 maalmood gudahood ah ay isla meel dhigaan hannaanka geeddi socodka (Roadmap) wadahadalada arrimaha masiiriga ah, islamarkaana la soo magacaabo guddiyo farsamo oo arrimahaas fududeeya.

Shirkaan ayaa waxaa dhexdhexaadinaayay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo suurta galiyay in labada dhinac ay is horfariistaan mudo badan kadib.

Hoos ka akhriso Warmuriyeedka oo dhameystiran:-