7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 29, 2023
Madaxweyne Deni oo si adag u dhaliiyay dowlada Fedaraalka, kana hadlay mowqifkiisa ku aadan SSC Khaatumo
 

Jimco, December, 29, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Xalay gudaha magaalada Garoowe ku qabsaday xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo uu ku shaacinayay inuu markale u taagan yahay qabashada xilka madaxtinimada maamulkaas ayaa ka hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, isagoona ugu horeyn ku dheeraaday ka sheekeynta wax qabadkii uu sameeyay mudada uu xafiiska joogay.

Madaxweyne Deni ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan in SSC Khaatumo ay noqoto maamul madax banaan oo la mid ah maamulada kale ee ka jira dalka.

"Taageeridda aayo ka tashiga dadka reer Khaatumo waa qodob ka mid ah barnaamijkeyga siyaasadeed hadaan ku soo laabto xukunka, dhaqaale badan ayaa Puntland kaga baxay xoreyntii gobolka Sool oo hadda SSC Khaatumo ay ka taliso. Waan ixtiraamaya go’aanka iyo masiirka dadka deegaanadaas" ayuu yiri madaxweyne Deni.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni in Puntland ay u cunaqabateysan tahay dowladda federaalka, islamarkaana dhaqaalihii caalamku ku taageeri jiray Soomaaliya qeybihii uga soo aaday Puntland ay wali ku xayiran tahay Muqdisho.

“Dadka reer Puntland waxaan u sheegayaa in cunaqabateyn adag ay ka soo wajahday Puntalnd dhanka dowladda federaalka, miisaanayadii kabka aheyd ee caalamka uga timid Puntland waxay ku xayiran tahay Muqdisho. Dadbaa i dhaha maad iska qaadatid dhaqaalaha kaaga xayiran dowladda Fedaraalka oo sida ay rabaan u yeeshid, war masiirkiina miyaan siistaa shilimaad” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday qaar ka mid ah xubnaha Musharaxiinta ee u taagan loolanka loogu jiro xilka madaxtinimada Puntland.

“Saaxiibadey shalay waxay diideen doorasho qof iyo cod ah, waxay soo jeediyeen in doorashada lagu galo nidaamkii hore ee 66, hadana markii uu soo baxay go’aanka SSC, waxay leeyihiin 49 xildhibaan doorashada ha lagu galo, taasi ceeb ayey ku tahay labo hadal oo is qabtana maaha" ayuu yiri Deni.

Ugu dambeyntii Saciid Deni ayaa cadeeyey in 8-da Janaayo oo ay ka harsan tahay 10 maalin oo qura in doorashada Puntland lagu gelayo 66 xildhibaan, iyadoo waliba la ixtiraamayo go’aanka gooni isku taagga ah oo ay gaareen Isimada SSC Khaatumo.