7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 29, 2023
Puntland oo si adag dhaliishay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland uga Furmay Jabuuti

Jimco, December, 29, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka horyimid wadahadalo dalka jabuuti ugu furmay Shalay galinkii dambe madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Saciid Deni oo xalay ka hadlayaay xaflad uu ku shaaciylnaayay inuu yahay musharax u taagan markale qabashada xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Puntland ayaa ku tilmaamay wadahalada u furmay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland kuwa qaldan.

"Shirka Jabuuti ka socda waan dhaliileynaa waana cambaareeyneynaa, garna ma aha in iyadoo Soomaaliya oo ay Puntland ka maqan tahay in la yiraahdo Soomaaliya ayaa laga hadlayaa, waa arrin khaldan" ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Dhaliishaan kasoo yeertay madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo mudo badan uu hakad ku jiray wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somalaind ay markale Shalay labada dhinac si rasmi ah isku soo hor fariisteen.

Wadahadalada u dhaxeeya madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta galay maalintii labaad ayaa waxaa gar wadeen ka ah madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana dadka Soomaaliyeed ay ka filayaan in labada dhinac ay gaaraan natiijooyin wanaagsan.