7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 29, 2023
Galmudug iyo Hirshabeelle oo Galabta Ciyaaray kulankii ugu horeeyay ee tartanka dowlad goboleedyada
 

Jimco, December, 29, 2023 (HOL) - Waxaa goordhaw soo idlaaday kulankii ugu horeeyay ee ka tirsan tartanka Kubadda Cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo galabta dhexnaray xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle oo ciyaartooda kusoo dhamaaday barbaro gool iyo gool ah.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa galabta daah furay tartankaan ciyaaraha maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka furmay garoonka Kubadda Cagta Staudiom Muqdisho.

Raysal Wasaare Xamse ayaa ayaa ugu horeyn ku bogaadiyey bahda ciyaaraha Soomaaliyeed sida ay ugu mideysan yihiin xoojinta is dhexgalka, nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

“Ciyaarta macnaha ugu weyn waa in la is barto, isdhexgal yimaado, lagu saaxiibo, la isugu yimaado, sidoo kale, dadku waa wada farxsan yihiin. Waxaan rajaynayaa in sannad walba aynu isugu nimaadno jawigaan farxadeed oo kale” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Munaasabada daahurka tartankaan Koobka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa ku wehelinayay Raysal wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Maamulka gobolka Banaadir iyo bahda ciyaaraha oo isugu jira heer Federaal iyo heer gobol.

Ugu dambeyntii Ciyaarta galabta dhexmartay xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa aheyd mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badnaa ee isha lagu haayay waxaana u daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo u badnaa taageerayaasha labada kooxood ee Galmudug iyo Hirshabeelle.

Maalinta berito ah haduu Alle idmo waxaa la ciyaari doona kulanka labaad ee tartankaan waxaana wada Ciyaari doona xulalka Banaadir iyo koonfur Galbeed.