7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 29, 2023
Tartanka Kubadda Cagta Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo Maanta ka furmaya Muqdisho
 

Jimco, December, 29, 2023 (HOL) - Waxaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa in garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho ee magaalada Muqdisho inuu si rasmi ah uga furmo tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta ee maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa sanadkaan waxaa ka qeybgalaya ilaa shan kooxood oo ka kala socdo maamulada kala ah Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo gobolka Banaadir oo ah marti galiyaaasha tartanka.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in tartankaan uu maanta daahfuri doono Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxaana ciyaarta ugu horeysa maanta wada ciyaari doona xulalka maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Tartanka sanadkaan waxa aan ka qeyb galeyn maamulka Puntland oo horay u sheegay ineysan ka qeyb galeyn, waxaana sidoo kale tartankaan laga reebay xulka matali lahaa maamulka SSC Khaatuma oo dowladda fedaraalka dhawaan u aqoonsatay maamul ku meel gaar ah.

Amniga guud ee wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa garoon Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkaya ciidamo fara badan.

Dadweyne aad u badan oo kala taageeraya xulalka dowlad goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa iney u daawasho tagaan tartanka Kubadda Cagta maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maanta ciyaartiisa ugu horeysa dhexmari doonto Galmudug iyo Hirshabeelle.