7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 29, 2023
Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday ka geysatay gobolka Waqooyi Bari Kenya

Jimco, December, 29, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka geysteen deegaanka Dasheg oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Xubnaha ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilaawday oo uu xigay dagaal fool ka fool ah ku qaaday xarun shirkada Isgaarsiinta Safaricom ku leedahay deegaanka Dasheg.

Weerarka oo socday ku dhawaad hal saac oo xariir ayaana si rasmi ah wali loo ogeyn khasaraaha kala gaaray ciidamada ilaalada ka haayay xarunta shirkadda Safaricom iyo kuwa weerarka ku qaaday ee Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay iney ku raad joogaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee weerar isugu jira qaraxyo iyo rasaasta ku qaaday ciidanka amaanka Kenya iyo xarruunta shirkadda Isgaarsiinta Safaaricom ee deegaanka Dasheg.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in kooxda Shabaab ay mudo kooban la wareegtay xarunta shirkada Safaaricom, islamarkaana ay qarax ku burburisay dhismahii xarunta iyo anteenadii shirkadaas.

Burburka anteenada shirkada ayaa mudo saacado ah hakad galisay howlahii isgaarsiinta deegaankaas oo si weyn u saameysay shacabka degan magaalada Wajeer iyo nawaaxigeeda.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah ku qaado deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan ismaamulada Mandera iyo Gaarisa.