7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2023
Ciidamada dowladda oo maanta dib ula wareegay degmada Ceel dheer ee gobolka Galgaduud

Arbaco, December, 20, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor ayaa maanta gacanta dib ugu dhigay degmada Ceel dheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda ayaa si nabdoon kula wareegay degmada Ceel dheer iyo deegaanada hoostaga, kadib markii xubanihii Shabaabka ahaa ee ku sugnaa halkaas ay isaga carareen.

Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax oo hogaaminayay howlgalka ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay ka xureeyeen Al-shabaab  deegaanada dhamaan deegaanada dhaca bariga gobolka Galgaduud ee hoostaga degmada Ceeldheer.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay haatan howlgal miino baaris ah ka wada wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Bilawgii sanadkan 2023 ayaa sidaan oo kale ay ciidamada dowladda u qabsadeen degmada Ceeldheer, hayeeshe Al-shabaab ayaa dib ula wareegay markii ay iskaga soo baxeen ciidamada dowladda degmadaas.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug.