7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2023
IMF oo ansixisay 100 milyan oo dollar oo deyn cusub ah oo Soomaaliya la siinayo

Arbaco, December, 20, 2023 (HOL) - Guddiga sare ee IMF ayaa si rasmi ah u ansixiyay 100 milyan oo dollar oo deyn cusub ah oo Soomaaliya la siinayo.

Dayntaan cusub ayaa waxay ku dhisan tahay horumarka ilaa hadda la gaaray, oo ay ku jiraan Barta dhamaystirka dayn cafinta Soomaaliya, iyo dib-u-habaynta lagu xoojinayo hay’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah.

Hay’adda IMF ayaa sheegtay, taageerada dhaqaale iyo kobcinta joogtada ah ee ka imaanaya saaxiibada caalamiga ah oo la siinayo Soomaaliya, in ay tahay lama huraan si loo taageero dadaallada dib-u-habaynta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya

“Barnaamijku wuxuu taageeri doonaa istaraatiijiyada dib-u-habaynta ka dib dayn cafinta dalka, si loo sii xoojiyo hay'adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah iyo horumarinta xasilloonida iyo kobaca dhaqaalaha," IMF ayaa ku tiri hadal ay soo saartay.

IMF waxay sheegtay bishii Nofembar in ay heshiis horudhac ah la gaareen dowladda Soomaaliya, heshiiskaas oo ku saabsanaa in dalka la siiyo $100 milyan oo doolar, oo dayn ah oo lagu taageerayo miisaaniyadda dowladda.

Go'aanka Guddiga Fulinta ee ansixinta barnaamijka cusub ayaa la qaatay, ka dib markii dhawaan lagu dhawaaqay in deymihii ugu badnaa laga cafiyay Soomaaliya.